Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo booqday askar dagaallo kusoo dhaawacmay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheikh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan milateriga iyo xoogagga deegaanka oo ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Askartan dhaawaca ah ee lagu daweenayo isbitaalka Xoogga ayaa kusoo dhaawacmay dagaallo ka dhacay deegaanno kala duwan, waxaana askartan xaaladooda caafimaad gacanta ku haya taliska ciidanka xoogga qeybtooda caafimaadka.

Taliyaha ayaa warbixin ka dhagaystay hoggaanka caafimaadka ciidanka XDS, maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta xilli kasta u taagan caafimaad qabka ciidamada naftooda u hibeeyay Qaranka Soomaaliyeed ee furimaha dagaalka u jooga difaaca Shacabka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku amaanay ciidanka dhaawacan in ay gudanayeen waajib Qaran, waxa uuna u ballan-qaaday garab istaag iyo in ay si dhaw ula socon doonaan xaalada ciidanka dhaawacan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga DF & Ku-simaha Safiirka Mareykanka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka booliiska oo kormeeray goob ay beri Doorasho ka dhaceyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Funaanad ay laheyd Princess Diana oo lacag waali ah lagu iibsaday (Sawirro)

Caydiid Ali