Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Daah-furay Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Adduunka ay ka jirto wal-wal la xiriira sii jiritaanka nabadda, taas oo muhiim ka dhigaysa in la helo xeerar sal adag oo lagu xakameynayo cid walba oo wax yeelaysa nabadda adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda, horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo hey’adaha dowliga ah, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin ee xoojinaya nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya dalka ay yihiin kuwo lagu raadinayo nabadda, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixsadu in ay ku soo laabtaan jidka saxda ah, kana tanaasulaan afkaarta gurracan ee lagu daadinayo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isu soo dhaweynta bulshada, kana fogaadaan wax walba oo dhaawaci kara nabadda ummadda.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dariskeeda ay kula noolaato nabad, dhankeedana aysan aqbali doonin in lagu soo xadgudbo Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo danjireyaal cusub u magacowday dalalka Itoobiya & Maraykanka

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo galay Koonfurta Gaza iyo dagaal culus oo ka socda

Caydiid Ali

Biden oo olole xooggan ugu jira meel marinta Lacag badan oo Israa’iil ugu deeqayaan

Cabdi Cade