Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo Howlgal ka fuliyay Dhul howd ah oo Al Shabaab ku sugnaayeen (Sawirro)

Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad, oo ay wehliyaan ciidanka xooga dalka &  NISA ayaa si wadajira howlgal qorshaysan uga fuliyya deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey”

Ciidamada huwanta ah ayaa inta ay howlgalka wadeen burburiyay fariisimihii ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ku yaala dhulka howdka ah ee kala ah Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay, ka dib markii la ogaaday in argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka lama deegaanka ah oo dhirtu ku badan tahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa baaris ka sameeyay baraha koontoroolada, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Jilib Marka soo gala iyo howdadka ay ku dhuumaleystaan Al-shabaab, si aysan shacabka ugu kaadsoomin dhagarta kooxdaasi ay maleegto.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab, waxaana dhawaan dowladda howlgal ciidanka ka fuliyeen magaalada Jilib Marka iyo duleedkeeda sheegeen in ay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahanno badan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ku dilay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamada Haramcad oo howlgal qorsheesan ka fuliyay duleedka Balad Xaawo (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo go’aan ka soo saaray xanibaada hubka ee saran Somalia

Caydiid Ali