Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan sagootin ah la qaatay İbrahim Mete (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka kula qaatay safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, mudane İbrahim Mete YAĞLI.

Madaxweynaha iyo Safiirka sii baxaya ee dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli ayaa kawada hadlay xiriirkii wannaagsanaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay iyo shaqooyinkii qabsoomay safiirka inta uu joogay.

Xasan Sheekh ayaa  uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale boggaadiyey dadaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dal, waxa uuna safiirka sii baxayay u rajeeyay mustaqbal wannaagsan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo ka digtay halis ku soo wajahan gobolada Sanaag, Sool & Togdheer

Caydiid Ali

Maxay tahay taariikhda aan horay u dhicin ee Somalia ka sameysay Kubbadda Cagta?

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo mar kale ku celiyay in Musharax Madaxweyne yahay !! (Daawo Sawirada)  

Cabdi Cade