Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo dhul kuyaalla Muqdisho ku wareejisay safaarada Shiinaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhul cusub ay safaarad ka dhistaan ku wareejiyay Safaaradda dowladda Shiinaha ku leedahay magaalada Muqdisho, dhulkaasi oo lagu ballaarin doono xafiisyada cusub ee Safaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo dhulkaasi ku wareejisay sii hayaha safaaradda Shiinaha Chen Wendi, si ay uga dhistaan xafiisyo ay safaaradda ku shaqeyso.

Hadal ay jeedisay wasiiradda ayey sheegtay in tallaabadani ay dhulka ku siiyeen safaarada dalka Shiinaha ay  xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fowsiya ayaa sidoo kale sheegtay in safaaradda cusub ay dowladda Shiinaha ay horumarin doonto adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, sida habaynta fiisaha iyo fududaynta ganacsiga.

Sii-hayaha Safaaradda Shiinaha, Chen Wendi, ayaa dhankiisa sheegay in dhulkan cusub uu ka caawin doono safaaradda in ay sii ballaariso howlaheeda shaqo iyo in ay si wannaagsan uga shaqeyso danaha labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia?

Caydiid Ali

Villa Somalia oo amar culus siisay Cumar Finish & Xaalada Baladwayne oo kacsan

admin

Xaalad adag oo soo wajahday Silvia Romano & hanjabaado dil ah oo loo jeediyey

Caydiid Ali