Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad dhaqaale badan ku bixineysa sidii haweenka dalkaasi carruur badan u dhali lahaayeen

Heerka dhalmada haweenka u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa si weyn hoos ugu dhacday, waxa ayna dowladda dalkaasi dhaqaale aad u badan ku bixineysaa sidii loo badin lahaa kororka dhalmada.

War kasoo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in si weyn hoos ugu dhacay heerka dhalmada haweenka dalkaasi, waxa uuna hoos u dhaca heerka dhalamada haweenka dalkaasi gaaray meeshii ugu hooseesay.

Dowladda ayaa hadda bilowday in lacag badan ku bixiso dedaalo lagu dhiiro-gelinayo haweenka dalkaasi sarana loogu qaadayo dhalmada, waxaana hadda heerka dhalmada carruurta uu hoos ugu dhacay wax ka yar hal (0.72) sannadkii tagay 2023-ka.

Haddii isbeddelka dhalashadu uu ahaado sidan ay hadda wax u socdaan, da’da shaqada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa la saadaalinayaa inay kala badh hoos u dhacdo, afartanka sano ee soo socota.

Dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa aad cimrigoodu u dheeraado, waxaana dalkaasi oo cadaw la ah dalka dariska yihiin ka cabsi qabaan in ay yaraadaan tarankooda ayna dadka usii bataan dhanka gabowga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo sheegay inuu Wadahadal la furayo siyaasiyiinta Galmudug

Caydiid Ali

Dowlada oo War kasoo saartay dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Deegaanka Dhumay

Cabdi Cade

COVID-19: Kiisaskii ugu badnaa sanad oo 24 saac gudahood laga diiwaan geliyey Somalia

Caydiid Ali