Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta lagu dhawaaqayo iyo Waqtigii oo ka dhammaaday Deni

Wararka ka imaanaya madaxtooyada maamulka Puntland ee kutaalla magaalada Garawe ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareemayo dhaq dhaqaaqyada magacaabista golaha cusub ee wasiiradda maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in uu soo gabagabeeyay la tashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiiradda, waxaana diyaarsan liiska xubnaha kamid noqopnaya xukuumadda cusub ee Puntland.

Muddo soddon cisho ah oo horey Baarlamaanka Puntland u siiyeen madaxweyne Siciid Deni si uu usoo dhiso xukuumad cusub ayaa maanta ku eg, waxaana la filayaa galabta ilaa caawa in madaxweyne Deni ku dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada Puntland.

Xukuumadda cusub uu soo dhisayo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in ay ka balaaran tahay tii hore u jirtay, waxaana lagu soo daray sida aan xogta helnay wasaarado cusub, iyadoona sidoo kale siyaasiyiin miisaan culus kamid noqon doonaan xukuumadda cusub.

Qaar kamid ah musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Siciid Deni ayaa wararka sheegayaan in ay kamid noqon doonaan liiska golaha cusub ee wasiirrada Puntland, si Deni uu u kasbado taageerada dhinacyadii mucaaradka ku ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo eedeyn u jeediyay Taliye Nuurdiin Xaaji is casilaadna ugu baaqay

Cabdi Cade

Nin Muqdisho lagu dilay kadibna Meydkiisa lagu gubay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo toogtay Haweeney dooneysay in ay is qarxiso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---