Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir muhiim ah kaga qayb galay Washington DC

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay Madasha xaaladaha nuglaanta ee 2024-ka, taas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa intuu uu socday waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha nuglaanta, xaaladaha ay ismaandhaafyada iyo colaaduhu keenaan iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo colaadaha iyo xaaladaha ka dhasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa Madasha la wadaagay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan sida dalalku uga gudbi karaan heerka nuglaanta una gaadhi karaan adkeysi iyo horumar waara.

Soomaaliya ayaa muddo sannado badan waxaa ka jiray colaado sukeeye oo reebay dhibaatooyin badan, waxa ayna hadda Soomaaliya kasii baxeysaa colaadihii muddada ka jiray , iyadoona dalka uu ka dhacay isbadal amni iyo mid horumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashaqo naxdin leh oo caawa ka dhacday Dhuusamareeb & dad ku naf waayey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyey ardayda Jaamacadaha Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Caalami ah oo maanta Muqdisho ka furmay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---