Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Dhuusamareb oo xukun dil ah ku riday rag horey u dilay dhaqtar & Macalin

Maxkamadda degmada Dhuusamareeb ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Bile Cabdullaahi Xasan Ciid, Nuur Cabdi Maxamed iyo Shucayb Maxamed Faarax.

Raggan ayey ku cadaatey inay dil bareer ah u geysteen Macalin iyo dhaqtar wada-dhashey oo lagu diley deegaanka Ilix.

Maxkamada ayaa fasaxdey eedeysanihii 4-aad ee kiiskan loo heystay ka dib markii lagu waayey wax dambi ah, iyadoo maxkamadda sheegtay iney xukunkan laga qaadan karo racfaan muddo 30 cisho ah gudahood ah.

Sadexda nin ayaa lagu eedeeyey iney 8-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023 tuulada Ilix oo 30 Km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-gobaleedka Galmudug ku dileeen labo wiil oo walaalo ah kuwaasoo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan

Lamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa labo cisho ka dib gacanta ku dhigay raggan lagu helay inay dileen labada wiil ee walaalaha ah oo lagu qabtay degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo baxsad ah.

Related posts

Xog: Wada-hadal nuucee ah ayaa u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha ?

Cabdi Cade

Duqa magaalada Muqdisho oo Weerar ku qaaday Xildhibaanada Aqalka sare

Cabdi Cade

Amar cusub oo lagu soo rogay goobaha Waxbarashada ee Magaalada Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---