Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo ka socota Cadaado

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socota doorashada Madaxweyne cusub oo maamulka Galmudug yeesho, iyadoo marka doorashadan ay dhamaato ay Galmudug yeelab doonto madaxweynihii labaad.

Doorashadan oo ay xildhibaannada Barlamaanka Galmudug ka qeyb galayaan waxaa shir guddoominaya Cali Gacal Casir oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay xilka ka qaadeen baarlamaanka Garabka Ahlu suna ee magaalada Dhuusamareeb.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah:

1- Axmed Maxamuud Baasto iyo

2-C/xakiin Cali Guure oo labaduba wasiiro ka soo noqday maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa lagu wadaa in goor dhow natiijadeeda soo baxdo, waxaana doorashadan ay ka dhalatay khilaafka faraha ka baxay ee ka dhex aloosan maamulka Galmudug oo sababay in maamulkaas u qeybsamo labo garab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka Xoogaga Xamaas oo war culus soo saaray

Caydiid Ali

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---