Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo wadahadal la yeeshay Abdalla Bin Salam (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha dowladda Qatar ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Dalka Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee Soomaaliya sida weyn u taageera, waxa ayna Qatar Soomaaliya ka fulisay mashaariic badan, iyada oo sidoo kale dowladda dhinacyo kala duwan ka taageerto.

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibadda Malawi oo Salaan soo gaarsiiyay Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Tina Intelmann kala hadlay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Al-Shabaab

Caydiid Ali

RW Khayre oo ka hadlay dedaalka DF ee Coronavirus iyo Qalab dalka ku soo wajahan

Caydiid Ali