Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo War cusub ka soo saartay badqabka hawada dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka, Fardowso Cigaal ayaa ka warbixisay badqabka duulimaadyada isticmaalka hawada dalkeenna iyo tallaabooyin lagula ilaalinaayo oo wasaaraddu qaaday.
Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad uga xun yihiin in dadka ay iska indha-tiraan nidaamka iyo dowladnimada oo wax aysan shaqo ku lahayn dhex galaan, waxayna hadalkeeda intaas ku sii dartay in ay qaadeen tallaabadii ugu horeysay oo lagu ilaalinaayo badqabka duulimaadyada iyo isticmaalka hawadeenna.
”Waxaa jira mitigation step wax la yiraahdo oo ilaa 4-3-5, haddba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii, mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa (advanced) aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan,”. ayey tiri wasiirada.
Sidoo kale, Wasiir Fardowso Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la isla dhexmariyay ee sheegaya in uu khal khal ka jiro badqabka duulimaadyada, waxayna wasiir Fardowsa carabka ku adkeysay in ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada.

Related posts

Waa maxay Walaac uu Ra’isul Wasaare Netanyahu ka qabo Turkiga ?

Cabdi Cade

Jawaari” Waxaan arkay Cudud sheegasho mana ogolaan karin in dartey dhiig u daato”

Cabdi Cade

Ma doonaysa in carruurtaadu bartaan Quranka, Higaada, Caqiidah iyo culuumta diinta islaamka?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---