Allbanaadir.com
NEWS

Askari fashiliyay qarax lagu dili rabay taliye Mahad Islam oo abaal-marin lacageed la siiyay (Swwirro)

Ciiddanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ee ka howlgala degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Dhaxe ayaa fashiliyay qarax miino oo la doonayay in lagu dilo  taliyaha daraawiishta degmadaasi Mahad Maxamed Islam.

Ciiddanka oo helay xogta qaraxa ayaa fashiliyey labo miino, kuwaas oo ah nooca dhajiska loo yaqaan ee baabuurta lagu xiro, waxaana qaraxyadan la doonayay in nolosha lagu dhaafiyo taliyaha iyo ciiddanka la socday.

Ciiddanka daraawiishta Jubbaland ayaa wada howlgallo lagu baarayo dadkii ka dambeeyay qaraxyadan miino ee maanta ciidamada fashiliyeen, mana jiro saraakiisha ciiddanka xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen qaraxyada iyo dad loo soo qabtay.

Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islam taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow ee qaraxa laga bad baadiyay ayaa abaal marin lacageed oo dhan $5000 oo doollar guddoonsiiyay askarigii geesiga ahaa ee soo gudbiyay xogta miinooyinkan la fashiliyay.

Related posts

DF oo ciidan geysay degaan ay dhowaan weerartay Al shabaab

Caydiid Ali

Taliska Milatariga oo ka hadlay weeraro dhiig badan ku daateen oo saakay dhacay

Cabdi Cade

Daawo:-Qorshe ka dhan ah Villa Somalia oo socda & Axmed Madoobe oo cadaadis lagu hayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---