Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas magaalada Gabiley loogu sameeyey marxuum Cabdinasir Muuse Dahable oo dhawaan la sheegay in lagu dilay magaalada Muqdisho.
Aaska loo sameeyey marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno ka mida baarlamaanka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta mucaaridka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor iyo Boqollaal katirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsiyeeyey ehelka iyo qaraabada uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable, dilkiisuna colaad riiq-dheeraata abuurayo, waxana uu yidhi,“Tan oo oo kale looma Ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo Oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa, Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin.”
Madaxweynuhu waxa uu su’aal geliyey sababta keentay dilka marxuum Cabdinaasir oo shaqaale rayid ah oo siyaasadda ka durugsan ahaa, “Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee dawladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taas oo jawaabteeda haddii la waayona waa Badheedh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com