Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta soo xiray Shirweynaha wadatashiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada dalka oo ka socday Muqdisho.
Shirkan oo mudda shan cisha ah ka Socday magaalada muqdisho ay looga hadlayay iskaashiga la dagaalanka fikirka al shabaab kaasoo inta uu socday looga dooday sidii dalka looga suulin laha fikirka xagjirka ah
Dood wadaag ku saabsan ka Hortaga iyo Daaweynta xagjirnimada Rabshadaha wadata ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay inta uu shirka socday, Waxaana Dooda kaqeyb qaadanaya Culimada Diinta, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhalinyarada.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Abuukar Jeylaani oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed agtooda ayay taallaa sidii ay xagjirnimada u baabi’ lahaayeen”
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Saalax shariif Siidkey ayaa isna yiri “Bil gudaheed in ay dhacaan kiisas badan oo isdilka qoyasaska ah waa weerar diinta iyo akhlaaqda lagu soo qaaday oo laga yaabo in ay khawaarijtu ka dambeyso”
Shirka ayaa ugu dambeyn laga soo saaray War murtiyeed dhowr qodob ka kooban:-
1) In la joogteeyo wadashaqeynta ka dhaxeyso Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo mid maamul goboleed, si loo dar-dargaliyo howlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha diinta DFS iyo kuwa xubnaha ka ah.
2) Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta heer faderaal iyo mid dowlad goboleed waxa ay isla qateen in shirkadaha ku tartamayo adeegga xajka in warqadda ogolaansha ah ay ka soo qaataan wasaaradaha dowlad goboleedyada ay kasoo jeedaan tartanka ka hor.
3) In Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si siman u wadagaan deeqaha waxbarashada iyo mashaariicda horumarineed.
Qodobadaa iyo kuwa kale ayaa ku xusnaa War murtiyedka shirka laga soo saaray maanta.