Sida uu ku dhawaaqey Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa Baaritaan ay ku sameeyeen Maydka Marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa uu sheegay in xadhig cunaha lagaga ciijiyay, sidoo kalana daanka bidix uu jaban yahay. Halka xiniinta bidix iyo isha bidixna ay ka muuqdaan calaamado muujinaya barar iyo dhaawac.
Agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay tallaagadi uu ku jiray Maydka Cabdinaasir in laga jaray korontada.
Meydka Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo 18-ka bishan lagu dilay gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Xaafadda Ceel Qalow ee degmada Wadajir ayaa shalay loo qaaday magaalada Hargeysa oo uu deegaan ahaan ka soo jeeday.
Cabdinaasir Dahable ayaa ka tirsanaa shaqaalaha waaxda duulista rayidka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa oo aan si cad loo ogeyn cida ka dambeysay uu ku soo aaday xili muran la xiriira maamulka hawada uu soo kala dhex galay dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.
Laamaha amaanka DF ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilka marxuumka inkastoo ay horey u sheegeen iney wadaan baaritaano ayna dilkaas u soo xireen illaa 6 qof oo la tuhunsan yahay.