Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay Kooxo ka mid ah raggii Afduubtay Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen kaasoo Bishii December 17, 2023 lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Kooxda la qabtay oo ahaa rag hubaysan ayaa kala ah;
- Ibrahim Cabdi Salaad
- Maxamed Maxamed Casayr
- Maxamed Mire Cali.
Kooxdaan ku eedeysan falka Burcad-badeednimo ee afduubka Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen Burcad-badeed ayaa lagu qabtay hawl-gal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Puntland.
“Booliska Puntland ay mudooyinkii dambe waday hawl-galo lagu dagaalamyo kooxaha amniga khatar ku ah” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska Puntland.
Markabka MV Ruen oo ay saaranaayeen 18-shaqaale ayaa waxaa afduubka u geystay lix qof looga shakisanaa inay yihiin burcadbadeed Soomaali ah Ciidamada badda Hindiya oo dhacdadaasi ka jawaabaya ayaa aagga uu falka ka dhacay u soo diray markab dagaal
.HOOS KA DAAWO SAWIRADA