Maamulka sare ee Jaamacadda Jazeera ayaa munaasabad heer sare loo agaasimay u qabtay ardayda dufcadda 5-aad ee ka qalin badalatay Jaamacadda, waxaana munaasabadda ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowladda soomaaliya, ururada bulshada, madaxda jaamacadaha dalka, bahda caafimaadka, odayaasha dhaqanka, madaxda jaamacadda jazeera, waalidiin iyo ardayda jaamacadda, waxaana munaasabaddu intii ay socotay lagu soo bandhigay waxqabadka Jaamacadda Jazeera mudadii jiritaankeeda.
Prof C/llaahi Maxamed Xaamud agaasimaha maamulka iyo maaliyadda jaamacadda jazeera ahaana guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhammaan dadkii doorka wayn ku lahaa qabsoomidda xafladda, isagoona sheegay in waqti aad u dheer iyo dhaqaalo badan lagaliyay sidii ay xafladdani u qabsoomi lahayd.
Prof Salaad Ibraahiim Fiidow gudoomiyaha jaamacadda Jazeera oo munaasabadda furay ayaa hambalyo ka dib ku amaanay ardayda jaamacadda Jazeera dhamaysatay iyo kuwa dhigta intaba anshax iyo aqoon wanaagsan, wuxuuna intaa ku daray inuu kalsooni wayn ku qabo dadaalka ardayda iyo aqoonta ay barteen, isagona sidoo kale sheegay in ardaydii horay uga aflaxday jaamacadda ay ka soo dhalaaleen doorkii ay bulshadu uga fadhisay.
Eng Maxamuud Axmed Jimcaale oo ka mid ah madaxda sare ee jaamacadda jamhuuriya kuna hadlaayay afka madaxda jaamacadaha dalka ee munaasabadda lagu casuumay ayaa tilmaamay in jaamacadda jazeera ay can ku tahay anshax wanaag iyo aqoon tayaysan, isagoona tilmaamay iney taha jaamacad ku wanaagsan habka dadka qiimaha leh loo maamuuso.
Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam (Real) oo ah gudoomiyaha mu’asasada jaamacadda jazeera ayaa ugu baaqay ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad iney sii wadaan dadaalka, wuxuuna intaas sii raaciyay ineysan waxbarashadu dhamaan, isagoona amaan iyo bogaadin u jeediyay waalidkii hiilka iyo hooga ladaba taagnaa ubadkooda iyo baryaashii qiimaha badnaa ee soo barbaariyay intaba, wuxuu kaloo ugu baaqay jaamacadaha dalka ee ilaaiya tayada tacliita iney sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan tayada tacliinta.
Ugu dambeyn agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Prof C/shakuur Xassan Fiqi ayaa ku amaanay jaaacadda jazeera ilaalinta tayada waxbarshada, isagoona cadeeyay agaasimuhu in jaamacaddu ay kaga jirto meel sare qiimayntii ugu dambeysay ee wasaaraddu samaysay, wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda nasiibka u yeelatay iney ka aflaxaan jaamacadda ku caan baxday dhaqan wanaagsan iyo tacliin tayaysan, isagoona madaxda jaamacadda jazeera uga mahadceliyay dadaalka wanaagsan ee ay wadaan.