Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Soomaali ah oo Kenya uga qeyb galaya Dhoolo-tus milatari (Daawo Sawirro)

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka ambo-baxay ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab, kuwaa oo dalka Kenya uga qeyb galaya dhoolo-tus milatari.

Ciidankan maanta ka baxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka kasii sagootiyay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaa oo ciidamada kula dar daarmay in ay soo bandhigaan awoodda ciidanka xoogga dalka ayna muujiyaan tayadooda.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana xoogga dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo maalmo kahor magaalada Muqdisho kula kulmay ciidankan ayaa ku ammaanay sida ay u diyaar garoobeen, waxa uuna u sheegay in ay wataan sharafta iyo astaanta Qaranka Soomaaliyeed .

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab waxaa tababar siiya saraakiil katirsan dowladda Mareykanka, waxa ayna ciidankan kamid yihiin kuwa ugu tayada iyo tababarka fiican ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho & Axmed Madoobe oo qorshe cusub la yimid

admin

Burcad dhac ka geesaneysay xaafad katirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Yurub wax laga argagaxo ku sifeeyey weerarkii xerada Jabalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---