Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga iyo kuwa Caalami ah oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyay Jilib Marka

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa caalami ah ayaa saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in hawlgalka oo saakay waaberigii bilawday ciidamada huwanta ah ku bartilmaameedsadeen goob ay isku diyaarinayeen xubno katirsan Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ciidanka xogtooda heleen kuna beegsadeen goobtaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda ayaa u sheegay warbaahinta afka dowladda ku hadasha in howlgalka oo saacado badan qaatay lagu dilay in ka badan 30-xubnood oo katirsan Al Shabaab, kuwaa ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Deegaanka howlgalka saakay laga fuliyay ee Jilib Marka ayaa hoostaga magaalada Marka ee caasimadda gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana deegaankan la sheegay in muddooyinkii dambe isku aruursanayeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Xijaar oo u digay dhalinyaro muddooyinkan falal dhaqan xumo ah la soo baxay

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo kahor timid go’aano ay soo saareen guddigii baarayay kiiska ….

Cabdi Cade

Heshiis hoose oo dhaxmaray Axmed Madoowe & Ra’iisul Wasaare rooble & kuraasta taal Garbahaarey !!

admin
Taboola Ads ---