Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay in ay bur buriyeen diyaarado iyo gantaalo Weeraro loo isticmaali rabay

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa weeraro qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay goobo bartilmaameed milatari ah, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee katalisa qeybo kamid dalka Yemen.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay weerarada u isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada iyana lagu weeraro maraakiibta isticmaasha badda cas.

Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ay bur buriyeen ay halis ku ahaayeen maraakiibta ganacsi ee isticmaasha badda cas iyo sidoo kale iyo maraakiibta dagaalka Mareykanka.

Warka milatariga Mareykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay bartilmaameedsadeen afar diyaaradood oo ah nooca is wada, iyo laba ka mida gantaallada lagu weeraro maraakiibta, kuwaas oo xilligaas ay xuutiyiintu qorshaynayeen inay weeraro ku fuliyaan.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay in ay soo rideen dhowr diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn ,kuwaa oo xilligaa dul heehaabayay markab ganacsi oo marayay badda cas.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Meydka Ciyaaryahan Caan ah oo ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga oo la helay

Cabdi Cade

Askari qeybo kamid ah jirkiisa laga soo saaray Firir Bambo oo aan weli qarxin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---