Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo weerar dadban ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar dadban ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda , kuwaa uu ku dhaliilay in aysan taageerin heshiiskii difaaca ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Fiqi ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka kasoo horjeedeen wax ka bedelka Dastuurka, iyagoo mar marsiiyo ka dhiganayay in la joogo xilligii la difaaci lahaa dalka, dibna loo dhigo ka doodista Dastuurka oo ay sheegayeen in dadka kala geenayo.

“Dooddii dastuurka ee socotey todobaadyadii la soo dhaafay qayla dhaantu way badnayd iyo siyaasiyiinta ilmada yaxaaska qubaya ee lahaa difaaca dalka waa in loo midoobaa oo la joojiyaa doodda dastuurka ,balse markii hey’adaha dawladda Federaalka ahi ay meelmariyeen heshiiska iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Walaalaha Turkiga wax juuq ah ama taageero ah lagama haayo” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka looga baahan yahay in ay taageeraan heshiiska difaaca ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga haddii difaaca dalka uu daacad ka yahay.

“Haddii ujeedkooda dhabta ah uu ahaa in badda Soomaaliya la difaaco ma jiro difaac ka weyn heshiiskaas oo badda looga difaaci lahaa damaca hororka iyo hanyarida xaraashaha. Hal mar un baa dadka la siri karaa markasta maya” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Related posts

Dagaal ka dhex qarxay Al-Shabaabkii ka gudbay aaga Feerfeer & ciidanka Liyu Boolis

Caydiid Ali

Mooshin Xil ka qaadis ah oo goordhaw laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo albaabada u laabtay Xabsiga godka Jilacow & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---