Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin maanta kormeer ku tagay biya xireenka Sabuun iyo waxii ay kusoo arkeen (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle, qaybna ay ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Biya xireenka Sabuun oo burbur xoogle ka muuqdo ayaa ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeeren qayabaha kala duwan ee biya xireenka, kaas oo xusid mudan tahay in wali ka muuqdaan sameentii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeen donaan dib u dayactirka kanaalkaan iyaga oo kaa shanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo.

Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in si ka hortag loogu sameeyo fatahaada biyaha wabiga sameeyo loo bahanyahay in la habeeyo biya xireennada iyo goobaha biya mareenada ah kahor inta uusan roobku bilaaban.

default

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerarkii Hotel Cas-caseey oo la soo afjaray & & Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Baaq deg deg ah kasoo saaray Dhibaatada ka dhalatay Fatahaada

Cabdi Cade

Hal Dollar oo maanta Sabab u noqday Geerida Cabdiqani Axmed Xaaji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---