Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Somalia (Sawirro)

Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay sheegtay warbaahinta ciidanka qalabka sida.

Maxamad Xasan Cali iyo Xassan Cali Xusseen oo ka tirsanaa ciidamada Jabahaadka Al-Shabaab ayaa goor dhaw isu dhiibay Ciidanka Kumaandoska Danab ee XDS

Raggan ayaa u sheegay warbaahinta inay u adkeysan waayeen nolosha duruufta ah ee ku heysatay duurka Howdka ah.

Waxay intaas ku dareen in si wanaagsan loo soo dhoweeyey, iyagoo ugu baaqay saaxiibadood weli ku jira Al shabaab iney ka soo baxaan shacabkoodana dhinac ka raacaan.

saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in raggan ka tirsanaa al shabaab ee isa soo dhiibay loo sameyn doono soo dhoweyn iyo dhaqan celin ka hor inta bulshada lagu fasixin.

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday ninkii dilay C/llaahi Cali Hudey

Caydiid Ali

Diyaaradii waday Fahad Yaasiin oo Dib ugu laabatay Turkiga iyo Qorshe cusub oo socda

Cabdi Cade

Deni oo shir xasaasi ah isugu yeeray xisbiyada Siyaasadda Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---