Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo la shiray Wasiirada Jubbaland (Muxuu kala hadlay)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland MudaneĀ  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa soo ka warbixisay qabsoomida shirweynahii Golaha maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga qaranka ee ka dhacay magaalada Kismayo.

Wasaaradda Isgaarsiinta, Boostada iyo Tiknoolajiyada Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay Mashruuca isku xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika ee loo yaqaano (EA-RDIP).

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa golaha la wadaagtay xogta mashruuca wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaradda.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale Golaha looga dhageystay warbixinta arrimaha Doorashada Ururka Kubada Cagta iyo Tartankii Ciyaaraha ee Dugsiyada Degmada Kismaayo.

Related posts

Magaca iyo Sawirka askarigii xalay dilka ka geestay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Indonesia oo Nin Soomaali ah u soo magacowday in uu masuul ugu noqdo Soomaaliya & Taliyaha cusubā€¦.

admin

RW Ku-xigeenka dalka oo la kulmay Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---