Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Odayaasha Jannaa Cabdalle (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa odayaasha ka dhagaystay baahiyaha ka jira deegaanka, isagoo ballan-qaaday in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee shaqada ku leh adeegyada bulshada inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan baahiyaha deegaanka ka jira.

Madaxweynaha Jubbaland odayaasha iyo waxgaradka deegaanka u sheegay in la bilaabayo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab , waxa uuna ku booriyay inay garab istaagaan wiilashooda heeganka ugu jira sugida nabadgalyada deegaanka.

Deegaanka Jannaa Cabdalle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxaa ku sugan oo farriisimo ku leh ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda, waxa ayna ciidanka halkaasi jooga qorsheenayaan in ay bilaabaan howlgalo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin Caan ah oo kahor yimid Go’aannadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Sacuudiga oo loo soo bandhigay fursado maalgashi oo dalka ka jira

Cabdi Cade

Jugta Qarax xooggan oo goor dhow laga maqlay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---