Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xogta Gaarigii lagu afduubtay Milyaneer Mohammed Dewji oo la helay (Daawo Sawirro)

Booliiska dalka Tanzaaniya ayaa baadi goob xoogan ugu jira koox afduub u geesatay Milayneer u dhashay dalkaasi oo mudo isbuuc kahor la afduubtay , waxaana booliiska hada heleen xogta gaarigii afduubka loo adeegsaday.

Mohammed Dewji oo ah Milyaneer dhalinyaro ah ayaa khamiistii hore loo geestay afduub, waxaana wali nolol iyo geeri aan lagu heyn ninkan Milyaneerka ah oo mudo isbuuc ah la la’yahay.

Dambi baaraha guud Booliska ee magaalada Dar es Salaam Geranaal Simon Siro ayaa sheegay in baaritaani dheer kadib booliiska heleen xogta gaariga afduubka lagu geestay uu sheegay in laga leeyahay dal daris la’ ah .

Simon Siro ayaa soo bandhigay sawirka gaariga iyo darawalka waday magaciisa uu ku sheegay Obasanjo Zacharias Junior, Dambi baaraha ayaana ka gaabsaday in uu sheego dalka gaariga laga leeyahay iyo halka uu kasoo talaabay.

Waxa uu sheegay Simon Siro in Caamerada waddooyinka ee CCTV in laga helay gaariga lambarkiisa taarikada oo ah AGX -404 MC, wuxuu gaarigu soo maray wadooyin badan ilaa markii dambe miriqdiisa la waayay.

Booliidska kahor taga Dmabiyada caalamiga ee  Interpo ayaa gacan ka siinaya booliiska dalka Tanzaaniya sidii loo soo bad baadin lahaa Milyaneerka u dhashay dalka Tanzaaniya ee afduubka loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dad ajnabi ah oo ku dhintay shil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Maka

Caydiid Ali

Weriye caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qabanqaabo lagu soo dhoweynayo Raisul Wasaaraha Somalia oo ka socota Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---