Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu fuli doono, isla markaana aanay dowlada Soomaaliya aaney waxba ka qaba karin.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa bhadalkan ka sheegay maanta kulan uu la qaatay koox kubbadda cagta ah oo ka socotay qurbajoogta reer Somaliland ee dalka UK oo dhawaan dalka safar ku timid hargeysa.
“Go’aankan iyo Heshiiskani waanu fulinaynaa, waan kuugu celinayaaye wuu fulayaa, marka aad leedahay Somali baan ilaalinayaa oo badda Somaliland baan ilaalinayaa, adiga iyo kuwa kula midka ahi markii diyaaraddu Hargeysa garaacaysay ee agoonta iyo waayeelku iyaga oo dariiq maraya oo kaa cararaya la daba joogay markaa miyaa ka naxayseen mise waad jeclaydeen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynuhu waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland aanay wax jira ahayn, isla markaana ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
“Qoladii Soomaaliya waxay soo caddaysatay in ay tiraa wax Somaliland la yidhaa ma jiro, waa gobolo annaga ah oo waxna ma goosan karaan mana talin karaan, waa markii ugu horaysay ee uu soo boxo wajiga runta ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Waxaa uu si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud inuu ku xadgudbay Somaliland, waxaana uu xusay in Madaxweyne Xasan kali ah uu rabo heshiiska saxiixo.
“Naftii hafar ha noqoniin, wax anaad yeeli karaynin marwalba ha sheegin, waxaad leedahay Somaliland badeeda anaa xukuma, hadii aad xukunto maad timaadid, go’aankan iyo is-fahamkani wuu fulayaa cidina isma hor taagi karto” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa ka hadlay heshiis dowlada Somalia la gashay Turkiga oo lagu ilaalilanayo badda Somalia laguna tababaro ciidamada badda DF kaasoo ay maanta ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamanka Somalia.
“Xassanow ama Masaari u yeero ama Turki heshiis la gal, kabash kabashtaasi meel ku geyn meyso, Heshiiska Itoobiya waa fulnaynaa, howsha cirka ee aan dayuuradaha ku joojineynana waan wadeynaa adiguna waxba kama qaban kartid” ayuu yiri Muuse Biixi
HOOS KA DAAWO HADALKA MUUSE BIIXI