Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bogaadiyay taageerana u muujiyay Xildhibaan katirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka oo dhulka ku dhuftay Wariye weediiyay su’aal uu dhibsaday.
Greg Gianforte, ayaa ka carooday su’aal uu weediiyay Wariye Ben Jacobs oo katirsan wargeyska Guardian ee kasoo baxa Britain kaa oo siyaasiga weediiyay su’aal ahayd in uu taageersanyahay qorshaha xisbiga Jamhuuriga ee caafimaadka.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amaanay Xildhibaanka dhulka ku dhuftay Wariyaha , waxa uuna sheegay in uu jecelyahay qof kasta oo qof kale legda ama dhulka ku dhufto.
“Qof kasta oo qof kale legda ama dhulka ku dhufta waa qofkaygii” ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump oo goob fagaare ah ka hadlayay una muuqday mid bogaadinayay Xildhibaanka Wariyaga dhibaateeyay.
Xildhibaan Greg Gianforte, ayaa horey u qirtay falka uu ku sameeyay wariyaha, waxaana lagu xukumay lacag dhan $385 iyo 40 saacadood oo uu bulshada u adeego iyo 20 saacadood oo uu qaato koorsooyin la xiriira maareynta xanaaqa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com