Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo xaalada deegaanka iyo shaqooyinka adag ee ay hayaan Ciidamada Jubaland ee dadka shacabka ah ka dulqaaday dhibaatadii ay Al Shabaab ku haysay.

Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dar-daarmay inay laban laaban shaqada ay u hayaan shacabka reer Jubaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, sidoo kalana ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab oo dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Related posts

Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay in ay Yurub badbaadinayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---