Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday haween xad-gudub diimeed iyo dhaqan-xumo ku kacay

Maxkamadda degmada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa maanta saddex sannadood oo xarig ah ku xukuntay haweenay lagu eedeeyay in ay u gaftay diinta Islaam aflagaadana u geesatay Ilaahey.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi ayaa dhawaan waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada booliiska maamulka Somaliland, waxa ayna booliiska baaris kaddib u gudbiyeen maxkamadda Hargeysa oo maanta xukun ku riday haweeneydan.

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa sidoo kale min sannad iyo lix bilood oo xarig ah  ku xukuntay laba dumara oo iyana lagu eedeeyay in ay la socdeen Huda ayna ku kaceen falal dhaqan-xumo la xariira.

Deegaannada maamulka Somaliland waxaa muddooyinkan dambe kusoo badanaya dhallinyarada ku kacaya falalka dhaqan-xumada la xariira sidoo kale u gafaya diinteena suuban ee Islaamka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Muqdisho lagu karantiilay markii looga shakiyey cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Safiirka USA u faahfaahiyey heshiiskii Badda (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---