Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka labada Aqal oo ansixiyay heshiiska Taariikhiga ah ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga

Xildhibaannada labada Aqal ee ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ansixiyey heshiiska iskaashiga ee difaaca iyo dhaqaalaha ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada Aqal oo ay fadhiyeen 216 ayaa heshiiskan waxaa oggolaaday 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka , waxaa diiday 3 mudane, mana jirin wax xildhibaanno oo ah ka aamusay ansixinta heshiiskan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana shaaciyay in hreshiiskan taariikhiga ah ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya xildhibaannada si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Heshiiskan ay maanta ansixiyeen labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa ah mid wax badan u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayn Soomaaliya heleysaa garab ka difaaca cid kasta oo ku xad-gudubka badeeda iyo dhulkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni & wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Andrew Brain oo la soo taagay Maxkamadda gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo Maamulada kale kaga horumartay hal arrin oo la xiriirta doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---