Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiiska Difaaca ay DFS la gashay dowladda Turkiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka Difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay heshiiskan la ansixiyay mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Heshiiskan difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga gaareen ay goordhaw ansixiyeen golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u faah faahiyo baarlamaanka labada Aqal uu hortagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin: “Dagaalka Gaza wuxuu muujinayaa fashilka siyaasada Mareykanka ee Bariga dhexe

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo ka laabtay amar la xiriira Coronavirus oo uu soo saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---