Allbanaadir.com
NEWS

Aabaha dhalay nin lagu dilay Muqdisho oo codsi qiiro leh u diray madaxda DFS

Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Xaaji (Dahabale) oo katirsanaa shaqaalaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, dhawaana meydkiisa laga helay qolkii uu ka deganaa guri kuyaalla Muqdisho ayaa ka codsaday dowladda in meydka wiilkiisa u keenaan.

Muuse Xaaji (Dahable) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh in wiilkiisa meydkiisa loo keeno , si uu ugu aasto halka uu kasoo jeedo.

Aabaha ayaa codsaday in meydka wiilkiisa aan la siyaasadeyn, waxa uuna caddeeyay in uusan raali ka aheyn marnaba in meydka wiilkiisa lagu aaso magaalada Muqdisho, sidoo kale uusan diyaar u aheyn in uu tago Muqdisho.

”Meydka wiilkayga yaan la siyaasadeyn, waxaana ka codsanayaa dowladda Muqdisho madaxdeeda in la ii keeno halkan meydka wiilkayga, anigu iman maayo Muqdisho, mana oggoli xitaa in salaada janaasada lagula dukado Muqdisho” ayuu yiri aabaha dhalay marxuumka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaanno lagu sameenayo meydka marxuum Cabdinaasir Muuse oo la tuhmayo in shirqool lagu dilay, waxaana kiiskaasi booliiska Soomaaliya u xireen ilaa lix qof oo guriga falku ka dhacay ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo sheegay cida ka badbaadi karta cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Ciidamada Somaliland oo ammar lagu siiyay in ay weeraraan Jabhad Muuse Biixi ku kacsan

Cabdi Cade

Cabdikariim Axmed Mooge oo loo doortay Duqa magaalada Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---