Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Wasiirada Difaaca Soomaaliya & Ugandha oo kala saxiixday heshiis cusub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaasoo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda

Related posts

Mareykanka oo War ka soo saaray doorashada C/raxmaan Cirro

Caydiid Ali

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ogow Tirada lacagta ay Xildhibaanada Galmudug ka heleen Doorashada maanta dhaceysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---