Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubno la sheegay iney ka tirsan yihiin Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada..

Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay 2 xubnood oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ibraahim Cali Suleymaan iyo Idiris Cabdi Shabeelow ayay Ciidanku gacanta ku dhigeen sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Saraakiisha ciidamada amaanka aya sheegay in xubnahan muddo badan lagu raad joogay, lana qabtay iyagoo si dhuumaaleysi ah ku soo galay magaalada Marka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey labadan xubnood iney qorsheynayeen falal Amni darro oo ka dhaca magaalada Marko, iyadoo saraakiishu xuseen iney maxkamad soo taagi doonaan baaritaan ka dib.

Related posts

Jubbaland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiirka amniga DF (War-Saxaafadeed)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay shaqaaqadii maanta ka dhacday Belad-weyne

Caydiid Ali

Xildhibaanada golaha Shacabka oo meelmariyay labo sharci oo muhiim ah oo loo soo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---