Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israiil oo ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Luiz Lula da Silva

Israa’iil ayaa u yeertay safiirka u fadhiyey Brazil kaddib markii Madaxweyne Lula uu weerarka Israa’iil ee Gaza barbar dhigay xasuuqii Holocaust ee naasigii Jarmalku kula kacay Yuhuuda.

Madaxweynaha Brazil Luiz Lula da Silva ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay shirkii madaxda dalalka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Israa’iil ayaa sheegtay inay u yeerayso safiirka Brazil u jooga dalkeeda hadal ay ku sheegtay “wax laga xishoodo oo halis ah” oo ka soo yeedhay madaxweynaha Brazil.

Isagoo ka hadlayay horraantii Axadda ee shir madaxeedka Midowga Afrika, Lula ayaa ku tilmaamay duullaanka Israa’iil ee marinka Qaza “xasuuq bahalnimo ah”.

“Waxa ka socda marinka Qaza ee ay kula jiraan dadka reer Falastiin  waa wax aflagaado ku ah taariikhda casriga ah, runtii wuxuu ka mid yahay xasuuqii Hitler ku laayey Yuhuudda,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceeyey hadalkaas

“Wuxuu isku dayayaa inuu waxyeello u geysto dadka Yuhuudda ah iyo xaqa ay Israa’iil u leedahay inay isdifaacdo,” ayuu yiri

“Israa’iil waxa ay u dagaalantaa difaaceeda iyo in ay sugto mustaqbalkeeda ilaa ay ka gaarto guul dhameystiran, waxaana ay sidaas ku dhaqaaqdaa iyadoo ilaalinaysa sharciga caalamiga ah”ayuu sii raaciyay.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas ka dib qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Israa’iil ayaa ballan qaaday inaysan joojin doonin ololaha ay ka waddo Qaza ilaa Xamaas la burburiyo, lagana sii daayo dhammaan la haystayaasha kooxda, kaddib weerarradii ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

 

Related posts

Xaaji Ciraaqi ah oo iska soo tuuray dabaqa sare ee Masjidka Xaramka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

Cabdi Cade

Kenya oo ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo ku matalayay dacwada kiiska Badda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---