Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha XDS oo booqday Kulliyada tababarka ciidamada dalka Qatar (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo wehliyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee XDS General Maxamuud sheekh Xasan (Dable Baylood) ayaa Booqday Kulliyadaha tababarka ciidamada Dalka Qatar halkaasi oo ay tababar Kala duwan ku qaadanayaan Layli Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaalia.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa  Warbixino ka dhageystay Macalimiinta tababarka siinaya Layli Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha  ayaa Saraakiisha tababarka ku qaadanaya Dalka qatar kula dardaarmay in ay si hufan u qaataan Cashirada la siinayo waxuuna xusay in Dalkooda uu ubaahan yahay, muhiimna ay tahay inay ka faa’idaystaan fursadaan qaaliga ah.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-caliyay Dowladda wadanka Qatar Kaalinta muuqata oo ay ka qaateen dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo fariin dadban u diray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Ciidamo Soomaali & Maraykan iskugu jiray oo Weeraray degaan ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo la kulmay xubno kamid ah Milatariga la wareegay Xukunka Sudan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---