Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo furay Shir u dhaxeeya DFS iyo Dowlad goboleedyada (Sawirro)

Madaxweynaha  Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah-furay shirka 2-aad ee golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta lagu qabtay Aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee baddeenu ay hodanka ku tahay iyadoo hormarinta iyo maalgashiga khayraadkaas kala duwan ay wax weyn ka tarayaan hormarka dhinacyada badan ee dalkeenna.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad bulsho oo lagu kobcinayo awoodaha kalluumaysiga maxaliga ah ee shaqo abuurka u ah dadweynaha ku nool deegaanada xeebaha ah.

Shirkan maanta ka furmay Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer federaal, heer Dowladaha xubnaha ka ah JFS iyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Yariisow oo la kulamay Haweenka Gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Naqshada cusub ee lacagta ay soo daabaceyso dowlada Somalia oo la soo bandhigay(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---