Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka TV-ga Qaranka oo shaaciyay Sababtii toos loogu baahin waayay Hadal-jeedintii Sheekh Shariif

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay sababtii shalay loo jaray tabintii tooska aheyd markii hadal jeedinta la gaaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Qoraalka kasoo baxay maamulka SNTV ayaa caddeyay ay mar walba u taagan yihiin u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed , iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona.

Maamulka TV-ga Qaran ayaa sheegay sababtii shalay u go’ay tabintii tooska aheyd markii madaxweyne hore Sheekh Shariif hadlayay ay keentay cillad farsamo oo ku timid adeegga internerka .

“Shaley oo taariikhdu ahayd 19 bisha February waxaa Telefishanka Qaranka uu si toos ah u soo tebinayey kulanka Baarlamanka ka socda. Waxaa intii tebintaasi tooska ah ay socotey Telefishanka la soo gudboonaadey cilad farsamo oo dhinaca internetka ah , taas oo hakad ku keentay tebintii tooska ahayd” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka SNTV.

Qoraalkan kasoo baxay maamulka SNTV ayaa u muuqda mid aysan ku qanci karin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, kuwaa oo aaminsan in uusa TV- ga dhax dhaxaad aheyn una adeego dhanka muxaafidka oo kaliya.

Related posts

Daawo Sawirada: Dowlada Somalia oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda ay ku leedahay Faransiiska

Cabdi Cade

Haweeney fal argagax ku sameysay xubin ka tirsan jirkeeda si ay taajir u noqoto (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan lagu taageerayay Musharax Max’ed Tallman oo lagu qabtay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---