Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Shisheeye oo Somaliland ka taageereysa carqaladeynta hawada Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in ay carqaladeeyaan diyaaradaha caalamiga ah ee maraya hawada Soomaaliya, iyaga oo jawaab uga dhigaya duulimaadyo Itoobiya ka yimid oo dowladda Soomaaliya hawada ka celisay.

Diyaarado dhowr ah oo marayay hawada Soomaaliya ayey kula dhaqaaqeen maamulka Somaliland falal carqaladeyn ah, waxa ayna tallaabooyinkaasi Somaliland qaaday si weyn uga carrooday hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu tuhmayaa in maamulka Somaliland ka taageereyso carqaladeynta hawada Soomaaliya, waxaana jira tuhun ah in qalab laga qaaday dalka Itoobiya la geeyay Hargeysa si falalka carqaladeynta loogu adeegsado.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in dowladdo shisheeye oo aysan magac dhabin ay Somaliland gacan ku diinayaan carqaladeynta diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya.

”Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan. Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay haddii ay sii socdaan falal dambiyeedyada lagu carqaladeenayo diyaaradaha caalamiga ah ee isticmaala hawada Soomaaliya in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maayarka Magaalo ku taalla Yurub oo qoraal lama filaan ah u dirtay RW Israel

Caydiid Ali

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia oo saacado kooban u qabatay safiirka Itoobiya

Caydiid Ali

Maxaa ka soo kordhay baadigoobka dadkii lagu waayay qaraxyadii Soobe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---