Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo Soomaaliya ka taageereysa la dagaallanka kooxda Al Shabaab

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.

Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar ayaa ka wada hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaliya iyo Qatar.

Taliyaasha ayaana kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada XDS oo dhinac kasta leh, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, iyo in sare loo qaado deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Ugu Dambeyn taliyaha ciidamada milateriga dalka Qatar Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit, ayaa dhigiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay kulliyadaha ciidamada ee dalka Qatar, si uu u aro sida kuliyadda u shaqeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dhismo kusoo dumay Shaqaalihii dhisaayay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo xireysa Dugsiyada satre ee dalkaasi iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Sidee Maalinta 1aad ee Ciida looga dabaaldegay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---