Allbanaadir.com
NEWS

Rag qaraxyo la beegsaday Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo la qabtay (Sawirro)

Guutada 3aad ee qeybta 27aad ciidanka xoogga dalka ayaa gacanbta ku dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo kiinooyin ku aasay degaano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe.

Raggan ayaa la qabtay markii ay qaraxyo lagu aasay dhulka la beegsadeen kolonyo uu la socday taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad Ciidanka xoogga dalka G/sare Ibraahim Yuusuf Nuur kuwaasoo marayey degaano u dhexeeyey magaalada Jowhar iyo degaanka Xawaadley.

Ciidamada ayaa qabtay raggan ka dib markii labo qarax la beegsadeen ciidamada, midkood waxaa uu ahaa qarxiyaha miinooyina halka kan labaadna uu ahaa ilaalo hubeysan.

Dhinaca kalem Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal Qorsheysan waxay ka sameeyeen Degaanada kala ah Kormari, Casho gabo, Gob-wayn Qalimow iyo Degaanka Dhay -dhaay ka dhamaantood Hoos yimaada Gobalada Bay iyo Bokool

Ciidanka ayaa Sidoo kale Burburiyay goobo al shabaab isku abaabuleyeen sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha ururka 47-aad ee guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed X/le Ahmed Maxamed Nuur (Ahmed Dhagey) waxaana uu Warbaahinta u sheegey in Dhamaan Degaanadan ay gacantoda hadda ku jirto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed.

HOOS KA DAAWO SAWIRO IYO VIDEO

WO SAWIRADA

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Raisul wasaare Narendra Modi oo booqasho ku tegay dhulka Falastiin

Caydiid Ali

Rag loo heesto in Al Shabaab yihiin kuna sii jeeday Galgala oo maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Soomaaliya oo shir guddoominaysa shirka 75-aad ee golaha guud ee QM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---