Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dayuurado duqeeyey degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo

Dayuurado dagaal oo duqeyn ka fuliyey degaan ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Buulo-Xaaji oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeyntaas, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Lama oga illaa hadda halka lala beegsanayey duqeyntan iyo cida iska leh dayuuradaha duqeynta geystay inkastoo ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenya looga bartay duqeymaha noocan ah.

Degaanka Buulo-xaaji ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa mar walba waxaa ka dhaca dagaalo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowlada ee jubooyinka ku sugan, kuwaasolo isku bedela gacan ku heynta degaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dil dad badan ka naxeen ka geestay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliye Biixi: “Waxaan dejiney qorshe ka dhan ah weerarada Al-shabaab ee xeryaha ciidanka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---