Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo weerar ku qaaday Saldhig weyn oo Al Shabaab lahaayeen lana wareegay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda Al Shabaab ku laheed dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Cali Yabaal waxaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii kooxda Al Shabaab saldhigga u aheyd.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka guul ka gaareen dagaal saacado badan socday, waxa ayna sheegeen in jab xooggan dagaalka ku gaarsiiyeen Al Shabaab kana dileen askar badan.

Kooxda Al Shabaab ayaa saacado ka dagaallameysay saldhigga Cali Yabaal ee saakay lagu weeraray, ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ayaana la sheegay in markii dambe Al Shabaab awood uga saareen deegaanka saldhigga u ahaa.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa wada howlgalo ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanno ku dhaw dhaw degmadaasi oo kooxda Al Shabaab saldhigyo ku leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha cusub oo Madaxtooyada Somalia oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo goor dhoweyd ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dhulgariirka Marooko iyo tirada dhimashada oo gaartay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---