Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa qoraal ay soo saartay ku muddeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay kuna dilay magaalada Muqdisho.
Taaliyaha qeybta baarista dambiyada ee CID-da ayaa maxkamafdfa gobolka Banaadir fartay in eedeysanaha ku diyaariyo kuna horkeeno maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud si dhageysiga kiiskiisa loo bilaabo.
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay Galmudug uu u baxsaday, kaddib markii uu gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd Luul Cabdicasiis, ehelada gabadha oo wali meydkeeda aan la aasin ayaa dalbaday caddaalad iyo in la isla duug ninkan iyo marxuumadii uu dilay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com