Allbanaadir.com
NEWS

Yaa ka Dambeeya kufsiga foosha xun iyo dilalka kusoo badanaya magaalada Garawe ?

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garawe ee caasimadda u ah maamulka Puntland kusoo badanaya falalka kufsiga ah ee loo geesanayo haweenka danta yar  iyo sidoo kale dilalka micno darrada ah.

Kufsigii ugu dambeeyay ayaa shalay labo nin oo katirsan ciidamada maamulka Puntland goob fagaare ah waxa ay ugu geesteen gabar 13-sanno jir ah, kufsigan ayaana ka dhacay kaam kuyaalla magaalada Garawe iyada oo loo wada jeedo.

Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in gobolka Nugaal ee caasimadda u ah  Garawe lixdii isbuuc ee lasoo dhaafay kaliya ka dhaceen 9-kiis oo dil ah iyo sidoo kale 6-kiis oo kufsi ah.

Warkan kasoo baxay Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in kufsiga iyo dilalka ay inta badan geesteen rag hubeysan oo katirsan ciidanka Puntland, kuwaa oo intooda badan aan la horgeyn caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ukraine oo shaacisay in nolosha ku qabteen 100 askari oo Ruush ah

Cabdi Cade

Nin aan Qubeysan muddo ka badan 22-sanno iyo Sababta ku kaliftay oo la ogaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo kordhineysa Malaayiin doollar oo ay ku bixisay muranka badda ee Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---