Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo Fashiliyay weerar Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer

Dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab oo aad u hubeysnaa ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidanka xoogag dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa la sheegay in uusan u dhicin sidii ay qorsheeyeen, waxaana ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo helay xogta weerarka la sheegay in ay kahor tageen ayna fashiliyeen weerarkaasi.

Taliyaha Guutada 24aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in ay heleen xogta weerarka Al Shabaab , waxa uuna xusay in duleedka Ceeldheer uga hortageen kooxdii weerarka soo qaaday halkaasna uu ka dhacay dagaal.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay fashiliyeen weerarkii Al Shabaab doonayeen in saldhigyadooda kusoo qaadaan, waxa uuna xusay in khasaaro badan ku gaarsiiyeen dagaal kooban ay kooxdaasi kula galeen bannaanka Ceeldheer.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deegaannada kooxdaasi laga saaray, weeraradaasi ayaana ciidanka lagu gaadi jiray inta badan xilli ay hurdaan , taa oo dhalin jirtay khasaaro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Mashaariic Horumarineed Oo Ka Socota Degmada Waesheekh (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Turkiga oo u yeeray Safiirka Denmark u jooga dalkeeda kaddib tallaabo uu qaaday Rasmus Paludan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---