Waxaa caawa guri kuyaalla xaafada Ceel-Qalow ee katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir laga helay meydka nin la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.
Ninkan meydkiisa caawa laga helay qolkii uu deganaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan ,waxa uuna ahaa nin dhallinyaro ah oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolada waqooyi ee Somaliland.
War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaana lagu sheegay in ay soo gaartay geerida meydka ninkan laga dhax helay qolkii uu deganaa , mana shaacin booliiska ilaa hadda waxa sababay geerida ninkan meydkiisa la helay.
Booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaanka kiiska meydka ninkan la helay, waxa ayna shaaciyeen in lasoo qabtay lix eedeysane oo la tuhmayo ,kuwaa oo laamaha dambi baarista durba ku bilaabeen baaritaanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com