Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo War-murtiyeed kasoo saaray khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dadlka Itoobiya waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka midowga Afrika, waxaana shirkaasi looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-murtiyeed gabagabada shirka laga soo saaray ayaa walaac looga muujiyay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya , khilaafkaa oo ka dhashay heshiis beenaadkii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya la gaaray Madaxweynaha Somaliland.

“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda Itoobiya iyo jamhuuriyadda Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024” ayaa lagu yiri warka.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale war-murtiyeedka ay soo saareen ku caddeeyay in ay ka go’antahay taageerada iyo dhoorista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya .

“Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taageerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.

Madaxda Midowga Afrika ayaana war-murtiyeedka ay soo saareen ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya in ay qaboojiyaan oo xaliyaan xiisada u dhaxeysa ayna yeeshaan wadahadal nabadeed oo xiisada xal looga gaarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay kulankii ay la qaateen Laftagareen (Sawirro)

Caydiid Ali

Taageerayaal reer Israel ah oo lagu weeraray Amsterdam (Sawirro)

Caydiid Ali

Khaad laga soo dhoofin rabay Kenya oo la joojiyay iyo Ganacsato ku khasaartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---